Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo booqasho ku tegey xarunta Baarlamaanka Sweden.
September 20, 2024 - Written by EditorSwedan:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor iyo weftigii uu hogaaminayey oo safar Shaqo Ku Jooga dalka Sweden ayaa booqasho ku tegey xarunta Baarlamaanka Sweden.
Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisa waxaa xarunta Baarlamaanka kusoo dhoweysay Xildhibaanad Leila Ali Elmi Oo Ka mid Ah Golaha Baarlamaanka Sweden kana soo jeeda Puntland.
Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa Dowladda Sweden uga mahadceliyay, taageeradii ay ka geysteen hanaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo mashaariicda horumarin ee ay ka fuliyaan Puntland.
– DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-