Guddiga taakuleynta ee Ciidamada Puntland oo lagu wareejiyey Helicopter
January 22, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada .
Guddiga taakuleynta Ciidanka ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira .
– DHAMMAAD –
– XAFIISKA HOWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND-