Ciidamada Difaaca Puntland oo shalay howlgalo ka fuliyey Ceelka Bacool ee togga Miiraale

April 6, 2025 - Written by Editor

Miraale:-Ciidamada difaaca dawladda Puntland oo hawlgallo lagu baadi goobayo firxadka kooxaha argagixisada Daacish ka sameeyay ceelka Bacool ee togga Miiraale.

Ciidamada ayaa intay hawlgallada kujireen gacanta ku dhigay 6-kamida gaadiidka Buuraha(𝐀𝐖𝐑) oo ay isticmaali jireen kooxaha ku dhuumaalaysanaya Calmiskaad gaar ahaan aagga Miiraale.

Sidookale ciidamadu waxay gubeen 𝐭𝐚𝐥𝐢𝐬𝐲𝐨 kooxahu ay ku lahaayeen Bacool dhinaca kalana waxay gaareen talisyo ay duqeeyeen saaxiibada dhanka cirka ka saacidaya hawlgalka 𝐇𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐜 halkaas oo lagu gaarsiiyay argagixisada jab xooggan.

Ciidamadu intii ay kujireen hawlgallada majirto wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen argagixisada, Duleedka Miiraale oo ahaa taliskii udanbeeyay ee kooxaha taagta daran kulahaayeen Calmiskaad oo aysan iska caabin kuwajihin ciidamadu ayaa muujinaysa jabka gaaray argagixisada taas oo ka dhigan dhammaadka kooxda Daac1sh ee Puntland iyo gabogabada wajiga 3-aad oo meel fiican maraysa.

—–Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
April 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online