Ciidamada Puntland, ayaa la wareegey taliskii u danbeeyey ee Kooxda Daacish Ee Miraale
April 18, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira wajiga saddexaad ee hawlgalka Hillaac ayaa maanta cagta mariyay firxadkii Mujriminta Daacish kuwaas oo dhuumaalaysanayey Togga Miraale ee buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Ciidanka Puntland wuxuu saaka Howlgalka ka Bilaabeen Dal-laas , shilin-cas , Buur-gaal , Dhanan oo dhammaan kamid ahaa goobihii ugu dambeeyey ee ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka mujriminta Daacish.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net