Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

April 10, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

— Dhammaad —

Leave a comment

Archives
April 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online