Madaxweynaha DFS oo kulan kula qaatay dhigiisa dalka Ugandha magaalada Kampala.

April 6, 2025 - Written by Editor

Kampala:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay Mudane Yoweri Museveni.

Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:

1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.

3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.

4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.

5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa.

6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni.

7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.

——–DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
April 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online