Madaxweynaha Puntland oo booqday Isbitaalka Ciidamada PMPF.

April 27, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqday Ciidankeenna geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada Daacish looga sifeynayo Calmiskaad, kuwaasi oo lagu daweynayo Isbitaalka Ciidamada PMPF.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta daaweynaysa Ciidanka, isagoo si gaar ahna xaaladooda u weydiiyay ciidanka geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Hillaac, wuxuu la wadaagay Madaxweynuhu in si dhameystiran loo daaweynayo, xitaa dalka dibadiisa loogu qaadayo daaweynta hadii loo baahdo.

Waxaa booqashada Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed iyo Saraakiil Madaxtooyo.

——–Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
April 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online