Puntland oo tababar u soo xirtay Dufcaddii 4-aad ee ciidanka PMPF.[Video]

April 26, 2025 - Written by Editor

Bosaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta tababar rasmi ah usoo xiray Dufcaddii 4-aad ee ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Maritime Police Force (PMPF).

Madaxweyne Deni ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda, isagoo ciidamada cusub ku dhiirrigeliyey inay door weyn ka qaataan hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Wuxuuna u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka oo muddo badan ka shaqeynaysay gacantana ku haysay tababarka iyo diyaarinta Ciidamadan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen Cabdirabi Cabdisamed, Agaasime Ku-xigeenka PMPF Maxamuud Salaal Cumar, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo marti sharaf kala duwan .

-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Leave a comment

Archives
April 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online