Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Issimad deegaannada SSC- Khaatumo
April 13, 2025 - Written by EditorLaascaanood:=Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhagaystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda oo bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
—DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale