Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya

April 10, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamicadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.

— Dhammaad —

Comments are closed.

Archives
April 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online