๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ฎ๐๐ต๐ถ๐ด๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐ณ๐๐ฟ๐บ๐ฎ๐ ๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ
May 6, 2025 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Shirkan oo qeyb ka ah gogoshii Qaran ee uu fidiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Mudane Cabdacasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.
——DHAMMAAD—-