Ciidanka Booliska Puntland oo qabtay 2 nin oo xalay dil ka geystay magaalada Garoowe

May 4, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeenkii xalay.

Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka. Dabley hubeysan ayaa falkan geystay kadibna ka baxsaday goobta.

Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.
Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa laga soo saari doonaa marka la dhammeeyo hawlaha baarista.

– DHAMMAAD –
Wixii Faahfaahin Dheeraad ah kala Xiriir:
Dhamme,Farah Mohamed – Yemeni madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
Twitter: https://x.com/Plpoliceforce

Leave a comment

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online