Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo furey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

May 5, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa dulmar guud lagu sameeyey qodobadii looga hadlay fadhigii hore ee guddiga joogtada wixii ka qabsoomay iyo tallaabooyinka la qaaday, intaas kadib waxaa Madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada looga dhegaystay warbixinno la xiriira, Dhaqaalaha, Amniga, Cadaaladdda, Mashaariicda, Xuquuqada Aadanaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, si waafaqsan Dastuurka & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Dhinaca kale, iyadoo laga duulayo xog ogaal u noqoshada xaaladda Xabsiyada iyo Maxaabiista, waxaa Guddiga Joogtada ahi magacaabeen guddi gaar ah oo u kuurgala xaaladda Xasbiyada iyo Maxaabiista, iyagoo warbixintooda la soo wadaagi doona Guddiga Joogtada ah.

Ugu dambayn, waxaa Guddigu dood ka yeeshay qorshayaasha hortebinta leh ee Golaha, iyadoo isla qaatay dardar-dargelinta shaqada guddiyadu ay gacanta ku hayaan.

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online