Madaxweynaha JFS oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.

——-DHAMAAD

Comments are closed.

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online