Madaxweynaha JFS oo xariga ka jarey dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka

May 21, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo duubto horumarinta xarumaha Dowladda, si sare loogu qaado awoodda Hay’adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada .

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee khidmadaha laga qaado muwaadiniinta.

“Dhismahan waa tusaale muujinaya kartida iyo isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda. Waxa uu ka dhashay beekhaaminta dakhliga yar ee la qabto iyo ka go’naasho in wax la saxo oo la hormariyo hufnaanta adeegga loo hayo muwaadiniinta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale farriin digniin ah u diray argagixisada, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la dagaallanka fikirka argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta goobaha Diinta.

“Qofkii ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisada waan soo dhaweynaynaa, waxa uuna la xaq iyo xuquuq noqon [doonaa] shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha arxan darrada ah ee argagixisada waxa uu ku soo ururay xaggee dad badan joogaan aan qarxinnee. Ma waxaas baa diin iyo caqli ah,” ayuu tilmaamay Madaxwaynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu danbayn kormeeray qaybo ka mid ah dhismaha cusub ee Wasaaradda, isagoo u mahad celiyay hawlwadeennada kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta dhismahan cusub.

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online