Madaxweynaha Jubaland oo shir-gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Jubaland

May 8, 2025 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo Kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha Amniga, iyo Xaalada guud ee Siyaasada dalka.

Ugu horeeyn Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixisay dadaallada wacyigelineed ee la xiriira ilaalinta deegaanka, gaar ahaan ka hortagga jarista dhirta. Wasaaraddu waxay xustay in ay xoogga saartay ololayaal wacyigelin ah oo laga hirgeliyey qeybo ka mid ah dalka bilihii u dambeeyay.

Sidoo kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa soo bandhigtay warbixin la xiriirta mashaariicda keydinta biyaha, kuwaas oo laga fuliyey degmooyinka Dhoobley iyo Doolow. Wasaaraddu waxay halkaas ka hirgelisay waro biyoodyo loogu talagalay kaydinta biyaha roobka si wax looga qabto abaaraha iyo biyo la’aanta.

Dhanka kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bini’aadannimada, kaas oo la filayo in akhrintiisa ay si rasmi ah u bilaabaan Golaha Wasiirradu.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay waxyaabihii kasoo baxay kulankii shalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, iyagoo sheegay in kulankaasi aanu waafaqsanayn Dastuurka iyo shuruucda dalka ee heshiiska lagu yahay.

——Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online