Madaxweynaha Puntland xariga ka jaray Guriga cusub ee Garsoorka Gobolka Bari
May 14, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxwaynaha Dawladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, ayaa maanta xariga ka jaray Guriga cusub ee Garsoorka Gobolka Bari.
Gurigan cusub, oo si casri ah loo dhisay, ayaa noqday xarun muhiim ah oo lagu horumarin doono adeegyada garsoorka ee Gobolka Bari iyo degmooyinka ku xeeran. Xarunta waxaa ku shaqayn doona dhammaan laamaha garsoorka ee gobolka, oo ay ku jiraan maxkamadaha, xafiisyada qareenada, iyo adeegyo kale oo muhiim u ah bulshada.
—–Dhamaad—-