Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland.
May 11, 2025 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska, Dhismaha Xarunta cusub ee Booliiska Puntland iyo Dhismaha Saldhiga dhexe.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa Taliska Guud kusoo dhoweeyey Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliiska Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad Gen. Cismaan Maxamuud Cige iyo Saraakiisha Taliska, isaga oo ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada Ciidanku u hayo bulshada.
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray Dhismaha Taliska cusub ee Ciidanka Booliiska oo meel wanaagsan maraya. Kormeerka ayaa u jeedkiisu yahay dardargelinta shaqooyinka socda ee adeega Dowladnimo ee loo hayo bulshada Puntland.
Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirka Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.
—-Dhamaad—-