Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wada kormeerka xarumaha Hay’adaha Maamulka Puntland.

May 27, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor oo ku jira kormeerka xarumaha Hay’adaha Dowladda, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, isagoo boggaadiyay dadaalka kor loogu qaadayo dakhliga, kobaca dhaqaalaha iyo dhiirigelinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa qeyb qeyb u booqday xafiisyada kala duwan ee xarunta Wasaaradda, wuxuuna si gaar ah u kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhiyay Wasaaradda Maaliyadda oo hadda meel gebo gebo ah maraya, isagoo tallaabadaasi ku boggaadiyay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Shirkada dhisaysa ee Gondogooye.

——-Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online