Raisulwasaaraha DFS oo la kulmay Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda (TPSS)

May 14, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. iyada oo shirka uu guddigu maanta yeeshey uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

——-Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
May 2025
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online