Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka qeyb galay shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka

June 3, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.

Shirweynaha oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka, ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

—–DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
June 2025
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online