Raisulwasaaraha JFS Xamsa Cabdi Barre oo gaaray dalka Jabuuti

June 3, 2025 - Written by Editor

Jabuuti:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

——-Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
June 2025
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online