Shirkii Wadatashiga oo lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho.

June 19, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin hore, ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey dhammaan masuuliyiinta iyo madaxda ka soo qeybgalay Madashan masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, iyagoo aragtidooda ku biiriyey dowlad-dhiska, xasilloonida iyo horumarka dalka.

“Dadka Soomaaliyeed ee wax kuleh masiirka dalkeena ee ka soo qeybgalay Gogoshan Wadatashiga Qaran waa Danjirayaal Soomaaliyeed u idman in ay baahiyaan farriinta nabadda, wadajirka iyo wadahadalka. Codkiinna iyo taladiina wax ku ool-ka ah wax weyn ayay ka beddeli karaan hannaanka siyaasadeed ee dalka”.

Madaxweynuha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxdii hore ee dalka in ay ka dhabeeyaan ballanqaadyadii ay hore u sameeyeen ee ku saabsan dhameystirka Dastuurka iyo hirgelinta doorashada tooska ah ee ay naawaliyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in albaabbada wadahadalku ay mar walba u furan yihiin dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaybaha kale ee bulshada.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
June 2025
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online