Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Masar.

July 7, 2025 - Written by Editor

Qaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahadceliyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
July 2025
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online