Madaxweynaha Puntland oo tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Puntland
July 7, 2025 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland, kuwaasi oo ah dufcadii 17-aad ee dhameystay tababarka Ciidan ee kulliyada tababarada ee Xergoble, Qardho.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Ciidanka Dowladda Puntland meel walbo oo ay joogaan, sida Ciidamada saaran Buuralayda Calmiskaad, Ciidanka sugaya xuduudaha iyo kuwa ka dhex shaqeynaya magaalooyinka, wuxuuna u digay cidkasta oo isku dayda in ay duulaan kusoo qaado Puntland.
——Dhamaad—

.gif)

