Cadaynta Xad-Gudubka Iyo Eexda ku jirta Manhajka Madaakhilada Dr.Xasan Sh.Cali Warsame
August 27, 2025 - Written by EditorHargeysa:-Waxaa ka socda magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland muxaadarooyin silsilad ah oo lagu cadeynayo Xadgudubka kooxada Jadiidiyada ama Madaakhilada loo yaqaan kuwaas oo dhaqan iyo diin ka dhigtay wax ka sheega culumada Islaamka gaar ahaa kuwa Soomaaliyeed .
kooxdan ayaa waxaa in mudo ah ay waday xadgudub iyo been abuur ay ka sameyso xarakaadka islaamka gaar ahaan Jamaacada Ictisaam oo ay xubno ka yihiin inta badan culumada salafka ee dalka Soomaaliya.
Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame ayaa banaanka keenay xadgubkooda iyo beenaha ay ka sheegaan culumada Soomaaliyeed waxaa uu ka galay 3 Muxaadaro oo aad u qiimo badan kuwaas oo daaaha ka qaaday waxa ay yihiin kooxda ku qaraabata magaca Al Salafiya balse aan shaqo ku lahayn manhajka Salafka ee sharafta badan.
Hoos ka Daawo Muxaadaraadka uu ka jeediyey magaalada Hargeysa Sheekh Dr Xasan sheekh Cali Warsame.
Cadaynta Xad Gudubka Manhajka Madaakhilada Dr.Xasan Sh.Cali Warsame qeybtii 1aad.
<Cadaynta Xad Gudubka Manhajka Madaakhilada Dr.Xasan Sh.Cali Warsame qeybtii 2aad.
Cadaynta Xad Gudubka Manhajka Madaakhilada Dr.Xasan Sh.Cali Warsame qeybtii 3aad.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

