Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay wadada Calmiskaad

August 10, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta dhagax dhigay wadada Calmiskaad oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Dhaadaar ee Gobolka Bari, iyadoo ay munaasabadda ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimada Dhaqanka , Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliska Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyay muhiimada ay Wadadan u leedahay isu socodka Gobolka Bari, isagoo xusay in ay ku timi baahi ka jirta deegaanka dhaadaar oo hadda laga sifeeyay Argagixisadii Daacish, waana Waddo aan ku koobnayn Kaabe-dhaqaale balse sidoo kale leh ahmiyad Amni.

Wadada isku xiraysa Boosaaso – Dhaadaar, waa 92km oo dhismaheeda la billaabayo berito ayna Dowlad iyo Shacaba kawada qayb qaadanayaan, waxay ka mid tahay horumarka Calmiskaad sidii si dhow loogu xiri lahaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

DHAMMAAD

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
August 2025
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online