Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xariga ka jarey mashruuca cusub ee daaweynta iyo dhaqista Kelyaha

August 23, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca cusub ee daaweynta iyo dhaqista Kelyaha oo laga hirgeliyay Isbitaalka Guud ee Garoowe.

Mashruucan caafimaad waxaa fuliyay Hay’adda International Medical Corps (IMC) iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaana qalabka iyo taageerada dhaqaale ku deeqday Hay’adda King Salman Humanitarian and Relief Centre.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku tilmaamay mashruucan adeegga dhaqista kelyaha mid muhiim ah oo laga hirgaliyay Puntland , isaga oo adkeeyey in adeeggan Caafimaad uu faa’iido weyn u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka qaba xanuunka kelyaha, isla markaana uu yareyn doono culayska safarrada Caafimaad ee dibadda.

—–Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
August 2025
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online