Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo duqeyn lagu dilay
September 13, 2025 - Written by EditorCeelbuh:-Allaha u naxariistee Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday miyiga Jinacyo sidda ay saxaafadda la wadaageen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Ilo wareedyo kala duwan oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyey dilka Caaqilka iina sheegay in aan ilaa hadda la aqoon sababta loo beegsaday Caaqil Cumar Cabdulaahi.
Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi ayaa ka safray deegaanka Ceebuh isagoona ku socday degmada Badhan , Caaqilka ayaa ka mid ahaa Cuqaal iyo Nabadoono uu hogaaminayey Suldaan Siciid Suldaan Abdisalaan Suldaan Cali Shire oo dhawaan degmada Boosaaso kula shirtay Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Abdullaahi Deni.
Wafdi ka tirsan dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka ee CID-da ayaa ku soo jeeda deegaan Ceelbuh oo dilka Caaqilku ka dhacay.
Weli ma jirto faahfaahin laga bixiyey duqaynt oo ah middii u horaysay oo ka dhacday deegaanka ka tirsan Gobolka Samnaag
M_M_Deeq
Halgan.net

.gif)

