Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada
September 6, 2025 - Written by EditorBoosaaso, 06 September 2025 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu.
Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kalifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona.
— DHAMMAAD —
HAY’ADDA SIRDOONKA IYO NABAD-SUGIDDA DOWLADDA PUNTLAND (PISA)

.gif)

