Madaxweynaha Puntland oo magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka.

September 20, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda.

Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad.

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
September 2025
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online