Maxaa ka jira in Culumada Nairobi dagaaladii Sool ku taageereen $1.8 million Sh Maxamed Cabdi Umal.

September 1, 2025 - Written by Editor

Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah ayaa si waafi ah uga hadlay hadalo uu leeyahay Sh Maxamed Sheekh Osman oo aad loogu faafiyey baraha bulshada kuwaas oo si khaldan ay uga faa,ideysteen Mulxidiin,Suufiyo iyo qolyo Jadiido ah .

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay lacagta samafalka ah oo culumada Soomaaliyeed ee Nairobi u direen magaalada Laascaanood in ay dhameed 100,000 USD waxaana lacagta qaaday 3 culumo ah oo 2 ka mid ah aysanba ka soo jeedin gobalka Sool.

Culumada lacagta sii qaaday ee qeybiyey waxay kala yihiin
1- Sheekh Cabdirisaaq Jiir
2-Sheekh Shariif Dhawiil
3-Sheekh Maxamed Cismaan Calasow

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in ay jirtay lacag ay beelaha ka soo jeeda gobalka Sool iyo beelo kale ay lacag ka gureen magaalada Nairobi taasna aysan culumada war u ahayn qeybna aysan ka ahayn .

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ee Nairobi ay gurmadeen meelo badan oo ka mid ah dalka oo ay ka dhaceen Musiibooyin sida Muqdisho ,Hargeysa,Bari,Baydhabo, Baladweyne iyo meelo kale oo badan .
Hoos ka Daawo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay waxa ka jira in culumada magaalada Nairobi u uruursheen gobalka Sool $1.8 million.



A/Cawale
Halgan.net


Leave a comment

Archives
September 2025
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online