Madaxweynaha DFS oo Shir-Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada.

October 16, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
October 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online