Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Kismaayo
October 5, 2025 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wuxuuna sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Dhanka Kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin in Khilaafka ka dhexeeya DFS iyo Maamulada Qaarkood lagu dhameeyo wadahadal ayna dhankooda diyaar u yihiin .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

