Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika

October 7, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2aad ay martigelinayso Caasimadda Muqdisho, kaas oo lagaga arrinaanayo isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey qiimaha ay Soomaaliya ugu fadhiso martigelinta shirka, isagoo tilmaamay in ay astaan u tahay kalsoonida iyo doorka cusub ee Soomaaliya ku yeelatay ururka tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika.

“Muqdisho waa magaalo leh taariikh ganacsi iyo isku-xirnaan soo jireen ah. Martigelinta shirkan waxay muujineysaa sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato isdhexgalka gobolka iyo horumarinta nabadda iyo ganacsiga Bariga Afrika”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay aqoonyahannada, ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay door firfircoon ka qaataan xoojinta isdhexgalka, gaar ahaan soo gudbinta talooyin iyo daraasado ku dhisan caddayn cilmiyeed kuwaas oo xoojinaya kobaca dhaqaalaha, maalgashiga iyo iskaashiga siyaasadeed.

Shirkan waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaasha ganacsiga, aqoonyahanno, iyo khubaro heer gobol iyo kuwo heer caalami, kuwaas oo ka doodayay sidii loo dardargelin lahaa isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka, loona xoojin lahaa kaalinta EAC ee horumarka Qaaradda Afrika.

——-DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
October 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online