Madaxweynaha Puntland oo maanta furay Kal-fadhigga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

October 25, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa maanta furay Kal-fadhigga 57-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay wixii u qabsoomay Dowladda si gaar ah Amniga iyo Guusha laga gaaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, Tayeynta Ciidanka Booliska, Adeegyada Dowladnimo, Arrimaha bulshada, Horumarinta, Kaabayaasha dhaqaalaha, Nabadeynta Ceergaabo iyo sidii dalka Soomaaliya looga badbaadin lahaa xaaladda hubanti la’aanta ah.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirizaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Goleyaasha Dowladda, Isimada Dhaqanka, Saraakiil Madaxtooyo, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe, Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale.

– DHAMMAAD –

Leave a comment

Archives
October 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online