Madaxweyne ku xigeenka Puntland ka qayb galay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka

October 16, 2025 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweyna Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha loogana hadlay horumarinta Wax-soosaarka Beeraha Puntland.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha Puntland, waxaana hal ku dhigga sanadka loo xushay” Wadajir baynu ku gaari karnaa cunno wanaagsan iyo Mustaqbal wnaaagsan”.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa ku bogaadiyey Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan ka dowlad ahaana ay garab buuxa u yihiin Beeralayda dalka, sidoo kalena socdaan dedaalo dowladdu ugu raadinayso Beeralayda maalgashi balaadhan si ay ula jaan qaadaan Beeralayda gobolka.

Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Maaliyadda, Qorsheynta, Deegaanka, Haweenka, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Bangiga, Agaasimaha Guud ee IMC, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, Hay’addo Caalamiya iyo masuuliyiin kale.

—-Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
October 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online