Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galay bandhigayay buugga “Ismahurto”,

October 15, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay buugga “Ismahurto”, oo uu qoray Maxamed Ciise Cismaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta Dowladda Puntland. Waxaana uu diiradda ku saaray sooyaalkii iyo taariikhda uu dalka Soomaaliyeed soo maray.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay qoraaga buugga, isagoo xusay in buuggu uu muhiimad weyn u leeyahay kaydinta taariikhda Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay bahda qoraalka iyo suugaanta in ay sii wadaan hal-abuurka iyo qorista buugaagta dhaxalsiinaya jiilka soo koraya Taariikhda iyo Af-ka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku-xigeen H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa xusay in Dowladdu ay garab istaagayso dadaallada kor u qaadaya aqoonta, cilmi-baarista iyo qoraalka, si loo helo bulsho aqoon iyo wacyi sare leh.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, hal-abuurro, aqoonyahanno, iyo qaybaha mala duwan ee bulshada,kuwaas oo dhamaantood boggaadiyay qoraaga iyo buugga cusub ee caawa lagu soo bandhigay caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
October 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online