Madaxweynaha JFS oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in qabashada Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, dhismaha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinayaan mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

“Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto daraasadda dufcadii labaad, Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doono shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, waxa ayna ku timid daddaal iyo hufnaan shaqo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka Soomaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir, taas oo door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
November 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online