Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku Qaabilay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

November 15, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xaalada guud ee Dalka, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.

Dhankiisa, Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan, isagoo ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

——DHAMMAAD—-

Leave a comment

Archives
November 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online