Madaxweynaha Puntland oo hir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland.

November 6, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan laga soo saaray go’aamo.

Qodobadda kasoo baxay Golaha: –

* Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland.

* Goluhu wuxuu isku raacay in 1-da January 2026, la hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland ee (PID).

* Golaha waxaa la hor keenay warbixin ku saabsan xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobolada Puntland.

* Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhowaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Golaha waxaa loo qaybiyey Wax-ka- bedelka Xeerka Maamulka Goboladda, Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, Kaasi oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si uu Goluhu usoo akhriyo oo looga doodo Ansixintiisa Shirarka xiga ee Golaha.

Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixin iyo talo-soojeedin ku saabsan xal-u-helida, dhibaatada Bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Puntland.

-DHAMMAAD –

Comments are closed.

Archives
November 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online