Madaxweyne ku xigeenka Puntland qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Maraykanka

November 27, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor oo Safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa maanta qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo taliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Africom, Gen. Dagvin R.M. Anderson, ayna qeyb ka yihiin Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis , diblumaasiyiin iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga la dagaalanka Argagixisada ee Gobolka, gaar ahaan dhameystirka Hawlgalka Argagixisada Daacish looga sifeynayo Calmiskaad iyo wadashaqeynta amniga badaha (Maritime Security).

Dowladda Maraykanka ayaa ku boggaadisay Dowladda Puntland ka go’naanshaha iyo adkeysiga Ciidanka Puntland ee ciribtirka argagixisada Daacish. Dowladda Puntland ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Dowladda Maraykanka, gaar ahaan hawlgalka Africom taageerada joogtada ah iyo doorkooda hawlgalka .

Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland Gen. Aaden Cabdi Xaashi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, Agaasimaha Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed, La-taliyeyaasha Madaxwehnaha ee arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Mudane Maxamed Warsame Seefta Banaanka iyo Saraakiil Madaxtooyo.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
November 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online