Puntland ayaa si Rasmi ah u beenisay in ay qeyb ka tahay dagaalka Sudan.

November 6, 2025 - Written by Editor

Garoowe:-Dawladda Federaalka ah oo ay muddo xileedkeedii ka hareen bilo kooban, kuna fashilantay dhammaan shaqooyinkii loo igmaday waxay ku mashquushay oo shaqo maalmeed ka dhigatay “Dacaayad, been abuur iyo xasarad kicin”.

Dawladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda Dalka Sudan iyo in garoonka (Airport) Boosaso looga duulo Dalka Sudan, waxayna Puntland si adag ugu cambaaraynaysaa Dawladda Federaalka ah oo dacaayad ceebayn ah iyo eedayn aan sal lahayn Puntland ku wadda.

Tani waa dacaayad riqiis ah oo lagu magac xumaynayo, laguna xagaldaacinayo guulaha taariikhiga ah ee ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Argaggixisada Caalamiga ah ee buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Eedayntaan iyo been abuurkaan waxay garab iyo gaashaan u tahay argagixisada ISIS iyo AS oo ay Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ahi kula jiraan dagaal adag muddo sanad ah.

Sudan waa Dal aan walaalo nahay, waana ka xunnahay dagaalka sokeeye ee dhexdooda ka socda, waxaana u rajaynaynaa Nabad iyo xasilooni degdeg ah.

Dhinaca kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay qiratay in ay si qarsoodi ah maleeshiyaad uga qoronayso gudaha Puntland.

Haddaba, Dawladda Puntland waxay caddaynaysaa in aysan jirn wax ciidan ah oo sharci ah oo ka baxsan ciidamada Dawladda Puntland ee dastuuriga ah oo ay Puntland aqoonsan tahay inay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka ah. Sidaa awgeed wixii dhib ah oo ka yimaadana maleeshiyada ay xukuumadda xamar qiratay in ay ka qoronaysa Puntland masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa.

Ugu dambayn Dawladda Puntland waxay si weyn ugu mahad naqaysaa saaxiibadeeda Caalamiga ah ee ka caawiya dagaalka ay Puntland ka waddo buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari ee ay ka mid yihiin USA, UAE, UK, Ethiopia iyo Kenya iyo Shacabka Reer Puntland gudo iyo dibadba oo markasta garab taagan dawladooda, la aantoodna aysan suuto-gal ahaateen in cadawga argagixisada ah laga guulaysto.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Comments are closed.

Archives
November 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online