Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland oo kormeer ku tagay Calmiskaad.
November 20, 2025 - Written by EditorDhadaar:-Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDR-TA Dawladda Puntland Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin), ayaa kormeeray waddada Dhadaar-Boosaaso Iyo afar Talis oo kamid ah talisyada ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Kormeerka wasiirka ayaa daaranaa dhiirrigalinta ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada qorshaysan, Wasiirka oo lugta mariyay in kabadan 96km oo wareeg ah, goobaha ay marto waddadu iyo fariisimo ciidan oo muhiim ah.
“Waa illhy mahaddiis in maanta hawlgalkii socday uu gabo-gabo yahay, maalmaha soosocdana lasoo afjari doono haraadiga dhiman, waxaa kaloo farxad kale ah in waddadii Dhadaar-Boosaaso, ay gabo-gabo tahay, waan bogaadinaya Ciidamada difaaca Puntland oo habeen iyo maalin hawlgal baaxadleh wada, iyo hawlwadeenada gacanta ku haya jidkan, Insha allah dhawaan labada guulood ayaa rajaynaynaa inay siwanaagsan noogu soo dhammaadaan”.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay saraakisha Ciimadama difaaca Puntland iyo hawlwadeenada gacanta Ku haya wadada Dhadaar-Boosaaso.
Ugu dambeyntii wasiirka Wasaaradda Amniga Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji-Bakiin), waxaa kormeerka ku weheliyay Guddoomiyaha degmada Qandala Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe), Qaar kamid ah saraakiisha Ciimadama difaaca Puntland, wasiirka ayaa kormeerka kusoo gabagabeeyay Taliska Aleelo halkaas oo fariisin u ah Ururka Dayax oo uu hoggaamiyo Janaraal Ciise Yulux.
——-Dhamaad—-

.gif)

