Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar

December 5, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Qatar, iyadoo booqashadiisa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal.

Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
December 2025
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online