Madaxweynaha JFS oo kulan Wadatashi ah Siyaasiyiinta Mucaaradka.

December 27, 2025 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, ayaa kulan ballaaran la yeeshay Madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka ay Madaxda hore ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarraysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, waajibna ka dhigaysa in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulamadaas ay barbar socdeen xiriiro khadka taleefanka ah oo Madaxweynuhu la sameeyay Madaxda dalalka Gobolka, kuwa Caalamka iyo Ururuada Caalamiga ah.

——DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
December 2025
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online