Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyas Osman Lugatoor oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta Puntland.
December 17, 2025 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa kulan Kula qaatay Madaxda Warbaahinta Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Warbaahinta Puntland doorkii ay kasoo qaateen marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray Dowlad-dhiska Puntland, Kaalintii ay ku lahaayeen Howlgalka Hillaac ee Calmiskaad iyo doorkooda horumarinta Dimuqraadiyadda Puntland. Sidoo kale waxaa uu ku booriyay Warbaahinta inay si mug leh uga qayb qaataan soo tabinta abaarta ka jirta Puntland.
—–Dhamaad—–

.gif)

