Wufuud kala duwan Golaha la magac baxay Mustaqbalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo.
December 17, 2025 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland, H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo magaalada Kismaayo u yimid ka-qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale waxaa uu ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo iyagana ka qeyb-gali doona Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uga furmi doona maagaalada Kismaayo.
Waxaa sidoo kale gaaray magaalada Kismaayo Raisulwasaarihii hore ee DFS Eng.Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur , Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ,xildhibaano ka tirsan 2 aqal ,Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada Rayidka ah.
Shirka ay isigu yimaadeen Golaha la magac baxay. Mustaqbalka Soomaaliya ayaa furmi doona maalinta birito ah kaasoo socon doona 2 maalin .
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

