Madaxweynaha JFS wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha Yugaandha

January 22, 2026 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Yugaandha dib u doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaasi, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday wada hadalka, labada Madaxweyne waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dalalka gobolka.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2026
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online