Madaxweynaha Puntland kulan kula qaatay Nairobi Wakiillada Beesha Caalamka
January 23, 2026 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway , Canada , Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France , Netherlands iyo World Bank.
Kulanka waxaa looga hadlay , xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Iyadoo Dowladda Puntland lagu boggaadiyey Hawlgalka ay Argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta Dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Bani’aadanimo iyo Iskaashiga horumarineed.
Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wakiilka Puntland ee Kenya Mohamed Ahmed (Fagalagad), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.
– DHAMMAAD-

.gif)

